4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2017
Ururka Al-shabaab oo sheegay in ay qabteen diyaarad nooca Drones–ka ah

 

Isniin, November, 27 (HOL) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in ay qabteen diyaarad nooca Drones -ka ah oo ay sheegeen in ay ku soo dhacday Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa la sheegay in diyaaradan ku soo dhacday Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari durbadiiba halkaasi ay ka qaadeen xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Drones ayaa la sheegay in ay ku xirnaayeen Kaamirooyin wax basaasa , waxaana la sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

    Diyaaradaha Drones-ka ee wax duuba ayaa dul wareega Saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo Al-shabaab ay horay u qabteen diyaarado sidan oo kale ugu soo dhacay deeganada ay ku sugan yihiin.

Ciidamada Puntland ayaa maalmahan dambe waxaa ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari, halkaasi oo ay ka raadinayeen xubno Shabaab ka tirsan.

Diyaaradan ku soo dhacday Gobolka Bari, ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee nooceeda Drone ah oo Shabaabka ku sugan Buuraha Galgala ay qabtaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]