4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2017
UNICEF oo ka deyrisay xaalada carruurta dalka Yemen

 

Isniin, November, 27 (HOL) -- Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hooyada iyo Dhalaanka ee UNICEF ayaa sheegtay in 11-Milyan Carruurta reer Yemen ay la soo deristay xaalad tii ugu xumeyd ee dunida Guudkeeda ah, waxayna hay’adu cadeysay in haddii wax gargaar ah la gaarsiin caruurtaas ay qarka u saaran yihiin xaalada bani’aadanimo oo geeri ah.

Agaasimaha hay’adda Unesco u qaabilsan Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada dalka Urdun ee Cuman ayaa sheegay in qiyaas la sameeyay ay ka soo ifbaxday in tobankii daqiiqaba hal Canug uu u geeriyoodo xanuun laga hortagi karay.

Dhinaca kale Mas’uul sare oo isna ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qiyaastii 5-kun Caruur Yeman ah laba sano iyo bar gudahooda siyaabo kala duwan loogu dilay daagalada ka socda dalkaasi Yeman.

Markab siday gargaar dhan 5-kun tan oo bur ah ayaa shalay ku xirtay Deked ku taal magaalada Al-xudeydiya ee dhacda waqooyiga dalkaasi , waana markabkii ugu horeeyay ee gargaar gaarsiya dalkaasi tan iyo markii sacuudiga ku soo rogay xayiraada dalkaasi yeman.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]