4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2017
Wajigii labaad Wadahadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ka furmay Jabuuti

 

Isniin, November, 27, 2017 (HOL) - Waxaa si rasmi ah uga furmay dalka Jabuuti wajigii labaad wadahadallo u dhaxeeya maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana wada hadalladan gar-wadeen ka ah Urur gobolleedka IGAD.

Waxaa madasha kulanka labada dhinac ku sugan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf wafdi uu hogaaminayo, waxaana ka mid ah ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey, halka dhinac Ahlu Sunna kulanka uga qeybgallaan wafdi uu horkacayo hogaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wajigii koowaad ee kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa haddana qaybtii Labaad ee shirkan oo rajadiisa ay tahay mid wanaagsan waxa uu goor dhow ka furmay dalka Jabuuti.

Shirkan ayaa la rajeynayaa in laga gaaro is faham ah in maamulka Galmudug ay ku soo biiraan ururka Ahlu Sunna kuwaasoo gacanta ku haya magaalo madaxda Maamulka Galmudug ee Dhuusa-mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]