4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2017
Gen Tareedisho : Saraakiil Al-shabaab ah oo baxsad ka ah duqeymaha ayaa soo galay gobollada dhexe

 

Isniin, November, 27, 2017 (HOL) – Gen Axmed Maxamed Treedisho oo ah taliyaha guutada 52 aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo baxsad ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolada dhexe.

Isaga oo wariyayaasha kula hadlayay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ka geysanayaan qaar kamid ah gobolada Koofureed ee dalka.

“Waxaa ay ka soo baxsadeen duqeymaha Koofurta Soomaaliya waxayna soo galleon gobollada Galgaduud iyo Mudug umana ogolaanayno in ay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan deegaanada ay ay ku sugan yihiin”ayuu yiri Taliyaha guutada 52aad General  Axmed Maxamed Tredishe.

Treedisho ayaa intaa ku darray in qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab ay u gudbeen maamul goboleedka Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.

“Qaar ka mid ah madaxdooda waxaa ay mareen degmooyinka Ceeldheer iyo Xaradheere iyagoo u gudbay Buuraha Galgala.”

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in ay isu soo dhiibeen qaar ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab uuna rajeynayo in kuwo kale ay isa soo dhiibaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]