4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2017
Cali Gacal Casir : Wadahadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna ma'aha kuwo rasmi ah ee waa ''Siminaar''

 

Isniin, November, 27, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wadahadallada lagu waddo in dalka Jabuuti ku yeeshaan mas’uuliyiinta maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, isaga oo sheegay in kulanka labada dhinac lagu tilmaami karo oo kaliya Siminaar Aqoon kororsi ah.

Waxaa uu sheegay in shirkaasi uusan aheyn wadahadal rasmi, isaga oo ku tilmaamay shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Nairobi in uu iska ahaa oo kaliya kulan is barasho iyo aqoon korarsi.

‘’Kulankii Nairobi ka dhacay iyo kan hadda la sheegay in uu ka furmayo Jabuuti labadaba sida ay inoo sheegeen howlwadeennada shirka waa Siminaar ee ma’aha kulamo rasmi ah oo heshiis lagu gaarayo’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Cali Gacal Casir ayaa sheegay xitaa haddii ay wada hadalladaasi miro dhalaan oo heshiis lagu gaaro aqoonsan doonin baarlamaanka Galmudug.

‘’Annaga uma aragno kulamo rasmi ah, laakiin xitaan haddii ay dhacdo in heshiis lagu gaaro ma aqoonsan doonno ayuu yiri’’ Cali Gacal Casir.

Shirka Jabuuti ay ku leeyihiin  madaxda maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa waxaa gar-wadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Shalay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa wada gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale madaxweynaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, halkaasi oo ay ku leeyihiin shir dib u heshiisiin ah.

Muddo dheerba waxaa soo jiray khilaaf xooggan oo u dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf , ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, hasse ahaatee waxaa muuqata in la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo hadda ku wadda sugan dalka Jabuuti, laakiin dhinaca guddoomiyaha baarlamaanka ayaad moodaa in wali uu taagan yahay khilaafkii kala dhaxeeyay madaxweyne Xaaf.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]