Isniin, November, 27, 2017 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles ku
booqday illaa 15 Maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran.
Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay Maxkamad ku heshay
dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha
Soomaaliya.
Yuusuf Garaad ayaa sheegay in mid ka mid ah maxaabiista ay u dhamaatay
muddadii lagu xukumay, islamarkaana la sii deyn doono bisha December ee
dhamaadka sanadkan.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa sheegay mas’uuliyiinta Seychelles in
ay diyaar u yihiin in isla bisha Desember 2017 ay ku soo wareejiyaan maxaabiista
Dowladda Soomaaliya.
“Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles Danjire Barry Faure iyo Madaxa
Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen
si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl, Inkastoo xorriyad la’aan
iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo
niyad jab toona” ayuu ku yiri wasiirka Arrimaha Dibadda.
Wasiirka ayaa sidoo kale booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay
ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga
degmada Marka ee Shabeellada hoose, toddobaadkii hore, dalkana ku xirnaa Afar
maalmood, waxayna ku eedeysan yihiin burcadbadeednimo.
“Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato, nimankaan wax hub ah
laguma arag doontooda, Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas
ayay jihada ay doonto noola sabbeysay”
“Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan mas’uuliyiinta Arrimaha
Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni
ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah”
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa maanta mar kale wadahadal la qaadan doona
mas’uuliyiin sare ee Jasiirada Seychelles.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]