Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo shir uga qeybgalay magaalada Riyad ee dalka Saudi Arabia
Isniin, November, 27, 2017 (HOL) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda
Soomaaliya e Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Riyad uga qeyb galay
shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada.
Waxaana kulanka ka qeybgalaya 41 waddan, iyadoona diiradda
lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka
ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay
shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay
ciribtirka kooxaha xagjirka ah.
Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso
shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay
Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii
bishan ka dhacay dalka Masar.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada
Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta
xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga,
dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha
Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil
sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]