4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2017
Wadahadallo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna oo maanta ka furmaya Jabuuti

 

Isniin, November, 27, 2017 (HOL) – Wajigii labaad Wadahadal u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo dalka Jabuuti, iyadoo halkaa ay gaareen maalintii shalay mas’uuliyiinta labada dhinac.

Magaalada Jabuuti waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey, hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo xubno kale oo ka kala tirsan labada dhinac.

Dadka ka soo jeeda gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan waxa ay ka muujinayaan in shirkaasi ay ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo ku aadan wadahadalka labada dhinac.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu ula heshiin lahaa maamulka Ahlu Sunna oo ka arimiya deegaanno badan oo gobollada dhexe ah.

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa dhinaciisa sheegay in aysan marnaba diideen heshiis laga gaaro khilaafka labada garab, balse ay jiraan dad arrintaa ka oso horjeeda.

Dowladda federaalka ayaa marar badan oo hore ku guuldareysatay in ay mideyso labada maamul, hasse ahaatee waxaa hadda muuqata in ay soo faragaliyeen Ururo caalami ah oo ka shaqeynaya siddii loo dhameyn lahaa khilaafka mudada dheer soo jiray ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]