4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2017
Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa oo gaaray dalka Jabuuti

 

Axad, November, 26, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xaanshi Carabey oo si wadda jir ah uga ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Jabuuti oo uu ka furmayo wadahadal ay la yeelanayaan mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa oo khilaafo xoogan uu soo kala dhaxgalay ayeey hadda u muuqataa in khilaafkaa la xaliyay, kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu kulamo kala duwan la qaatay dhinacyada iska soo horjeeday ee maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf iyo kuxigeenkiisa Carabey ayaa si wadajir uga qeyb galaya wada hadalka iyaga iyo maamulka Ahlu Sunna ku dhex mari doona dalka Jabuuti, waxaana wada hadalkan garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo wareysi siinayay Laanta BBCda ayaa sheegay in dhinacooda doonayaan in la mideeyo labada maamul oo yeelanaya ayuu yiri Hal Calan, Hal Baarlamaan iyo Dastuur heshiis lagu wadda yahay.

Wadahadalada labada dhinac ayaa wajigii hore lagu qabtay magaalada Nairobi, waxaana uu ahaa mid Madaxweyne Xaaf aanay cidna ku wehlin wada hadallka., hase ahaatee marka waxaa ku soo biiray oo qeyb ka noqonaya madaxweyne kuxigeenkiisa iyo xubno kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]