4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2017
Arday Dhamaysay Barashada Quraanka Kariimka ah oo daladda MDA Qalinjabin Wayn ugu Sameeysay Minnesota


Axad, November, 26, 2017 (HOL)- Daladda Midawga Dugsiyada Minnesota oo loo yaqaanno Minnesota Dugsi Association oo ah Dallad ay ku midaysan yihiin 14 dugsi Qur'aan oo ku yaalla gobolka Minnesota ayaa xaflad Qalin-jabin ah oo aad u qiimo badan ugu sameeyaya Minneapolis Convention Center 85 arday oo dhameysay barashada Qur'aanka Kariimka. Waana Qalin-jabintii lixaad oo ay samayso M.D.A.

Xafladan ayaa lagu casumay culumda gobolka Minnesota, sida sheekha weyn ee caalimka ah ee Sheekh Waliid Idriis Al-Miniisi ahna imaamka masaajidka weyn ee Daaral Faaruuq. Sidoo kalana, waxaa xafladdan ka soo qayb galay Culumadiin waawayn sida Sheekh Cabdullahi Ibraahiim iyo Sheekh Cabdirisaaq Macalin Abshir (Sancaani) iyo culumo kale oo badan.

Sidoo kale, xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen dhammaan waaliddiinta iyo macallimiinta ardayda ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo ay ku tartamayeen ardayda sida Siirada Nabiga NNKH, Tajwiid, Fiqiga iyo maadooyin kale oo ardaydu ay soo barteen, kuwasoo dadwaynahii kasoo qaybgalay ay aad u jaclaysteen aqoon diimeedka ilmahaasi ay soo bandhigeen iyo oo ku dhashay kuna koray  dalkani Maraykanka.

Cabdiqani Max'ed Faarax (Garyare) oo ah guddoomiyaha dallada Minnesota Dugsi Association MDA oo la hadlay HOL ayaa warbaxin ka siiyay muhiimadda ay leedahay isku duubnida dugsiyada Minnesota MDA, waxuuna sheegay inay u sameeyeen dalladani si loo mideeyo awoodda, maskaxda iyo waayo aragnimada aan dhaxalnay intii aan ku dhex jirnay baridda Qur'aanka ilmaha. “Waa inaan awoodayada meel isagu geeyno si aan ilmaha ugu wada-qabanno xaflado sidaan oo kale ah, diintana aanu u gaarsiino si ay u sii ahaadaan muslimiin innaga kadib, ayuu yiri.

Sheekh Cabduulahi Ibraahim oo ka mid ah culumada waawayn ee soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhammaan ardaydii dhameysay barashada Qur’aanka Kariimka, waaliddiintoodii iyo macallimiintii soo gaarsiisay heerkan, isagoo yiri, “waa Alle mahaddii haddii inagoo joogna Minnesota aan galabta u fadhinno 85 arday oo qaar sagaal sano jir yihiin oo Qur’aanka barashadiisa dhameystay”. Gunaanadkii xafladdana, Sheekhu Waliid ayaa si guud ugu duceeyay intii kasoo qayb qaadatay hawshan. Sidoo kalana, sheekhu waxa uu kula dardaarmay bulshada soomaaliyeed guud ahaan in ay sii haystaan aqoonta quraanka oo lagu yaq aanno soomalida calaamadna u ah, isla markaasna, waxa uu u hambalyeeyay waalidiinta carruurta iyo macallimiinta ardadaas wax soo bartay.

Ugu dambeyn, waxaa goobta shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ardaydii soo dhameysatay barashada Qur’aanka Kariinka, iyadoo aysan ahayn sannadkii ugu horreeyay oo xaflad noocan oo kale ah lagu qabto gobolka Minnesota. Dalladdan waxa la aasaasay sanadkii 2012-ka xafladdanna waxa ay ahayd xafladdii lixaad oo lagu qabto magaaladan Minneapolis gaar ahaan gobolkan Minnesota.

Siyad said Salah &

Mohamud Duladayn

Minneapolis ,MN

Hiiraan,Online