4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2017
Labo Askari oo ka tirsanaa ciidamada xasilinta caasimada oo Muqdisho lagu dilay

 

Axad, November, 26, 2017 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dilka labo Askari oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada xasilinta caasimada oo goor dhaw lagu dilay Isgoyska Sacna ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Askartan la dilay oo ku guda jira howlahooda shaqo soo weerareen ciidamo kale oo sida la sheegay ka tirsanaa kuwa dowladda oo halkaa ku toogtay labada Askari.

Ciidamada toogashada geystay ayaa sidoo kale horay u sii qaatay qoryihii ay siteen labada Askari ee la dilay sida uu warbaahinta gudaha u sheegay qof ku sugnaa Isgoyska Sanca.

Ciidamo kale oo ka tirsan nabad sugida dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray halka uu dilku ka dhacay , mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]