4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiir xilka laga qaaday

 

Axad, November, 26, 2017 (HOL)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ,iyadoo xilkii laga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre lagu magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaaday Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii hayn doona Wasiiru Dowlaha Wasaaraddai C/xakiin Xassan Ashkir.

Wasiirka cusub gaashaandhiga la magacaabay Maxamed Mursal ayaa horay u soo noqday Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumaddii hore, sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiirka u horeeyay ee Soomaaliya u magacawday dalka Turkiga, kaddib burburkii dowladdii Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]