4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2017
Ciidamada Puntland oo qabtay rag Ajnabi ah oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab

 

Axad, November, 26, 2017 (HOL) – Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay qabteen rag Ajaanib ah oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dadkaasi ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ka fuliyeen ciidamada Ammaanka degaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay in ay wateen Doon, waxaana la socday nin Soomaali ah sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sheegay in dadka ay qabteen ay u dhasheen dalka Yemen,islamarkaana ay ku waddaan baaritaano kala duwan.

Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale tilmaamay in dadkaasi yihiin kalluumeysato iyo in ay ka tirsan Al-shabaab ay baarayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]