Hogaamiyaha Ahlu Sunna oo faah faahin ka bixiyay wadahadaladda ay la leeyihiin Galmudug
Axad, November, 26, 2017 (HOL) – Hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo asagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa faah faahin bixiyay Waddahadal ay dhawaan kula yeesheen magaalada Nairobi maamulka Galmudug.
Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in madax ka tirsan urur gobolleedka IGAD
ay si goon gooni ah ula kulmeen madax ka socota maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna
Islamarkaana dhinac kasta lagala hadlay xal u helida khilaafka u dhaxeeya.
Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale
sheegay in madaxda Ahlu Sunna ay doonayaan in la mideeyo awoodda Galmudug iyo
Ahlu Sunna si meesha looga saaro kala khilaafka
taagan.
“Waxaan dooneynaa in la mideeyo Calanka
Dastuurka, Baarlamaanka iyo Ciidamada,intaas haddii ay dhacdo waxaa
Sahlanaaneysa in laga adkaado Al-shabaab oo laga saaro goobaha ay ka joogaan gobollada
dhexe ee bartamaha Soomaaliya”ayuu yiri madaxweyne Shaakir.
Dhawaan ayaa la filayaa in labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiis hor dhac
u ah soo afjarista khilaafka siyaasadeed ee muddo dheerba u dhaxeeyay labada
maamul Ahlu Sunna iyo Galmudug.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]