4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2017
Gargaar dawo ah oo gaaray magaalada Sanca kaddib xayiraadii lagu soo rogay

 

Axad, November, 26, 2017 (HOL) – Diyaarado siday gargaar dawo ah iyo shaqaale caalami ah ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Sanca ee dalka Yemen saddex toddobaad kadib markii isbahaysiga uu hogaamiyo Sacudigu mamnuucay in wax gargaar ah la geeyo wadanka Yemen.

Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa waxa ay sidey daawooyin u badnaa tallaalka carruurta oo aad loogu baahnaa halka labada diyaaradood ee kale ee maanta gaaray magaalada Sanca ay sideen shaqaale Qaramada Midoobay iyo shaqaalaha hay’ada Laanqeyrta Cas.

Xayiraada gargaarka ayaa waxaa lagu soo rogey dalka Yemen kadib markii gantaal ay rideen kooxda Xuutiyiinta uu gaaray caasimada Sacudi Carabiya ee Riyad, balse gantaalka ayaa laga hortagay oo la qarxiyay inta uusan dhulka ku soo dhicin.

Inkabadan labo kun oo ruux ayaa u dhintey cudurka daacuunka sanadkan dalka Yemen halka dagaalo socday tan iyo sanadkii 2015kii ay ku dhinteen dad ku dhow sagaal kun oo ruux.

Hay’ada UNICEF ayaa sheegtay in ay geysey magaalada Sanca inkabadan 15 ton oo ah talaalka cudurka gowracatada iyo Teetanada iyo cuduro kale oo laga hortagi karo.

WHO ayaa horaantii toddobaadkan sheegtay in cudurka diptheriyada uu ku sii fidayo maadaama aan carruurta aysan heleyn tallaal,dhakhaatiir ku sugan magaalada Hodeidana waxa ay sheegeen in saddex carruur ah ay u dhinteen cudurkaas.

Isbahaysiga uu hogaamiyo Sacudi Carabiya ayaa oggolaaday in gargaarka la geyn karo Sanca balse waxa ay diideen in gargaar cunto iyo dawooyin ah la geeyo magaalada Hodeida oo ka mid ah magaalooyinka ay mucaaradku haystaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]