4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 26, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay xuska 66 sano Guuradii ka soo wareegtay Aas-aaskii Radio Muqdisho

 

Axad, November, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay xuska 66 sano Guuradii ka soo wareegtay Aas-Aaskii Radio Muqdisho.

Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn Idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba, marka laga reebo Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane C/fitaax Daahir Jeyte ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey marxaladihii adkaa ee uu soo maray Radio Muqdisho, islamarkaana door weyn radiyuhu uu ku lahaa in dalka laga xoreeyo Maleeshiyada Al-shabaab.

Masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirada Dhalinyarada, Maaliyadda, iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/kariin Xasan ayaa madasha ka sheegay in Radio Muqdisho uu leeyahay taariikh weyn oo aan lasoo koobi karin, iyaga oo bogaadiyey shaqada hadda socota iyo Isbedelada dhanka horumarka ah ee Radio Muqdisho uu ku talaabsaday.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Warbaahinta Qaranka ay u hogaansameen Baaqa Madaxweynaha ee ku wajahan in si weyn looga qeyb qaato howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolo kamid ah dalka ee looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa marka hore u hambalyeeyey shaqaalaha iyo maamulka radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shaqada dalka ay u hayaan ay tahay mid aan lasoo koobi karin oo mudan in lagu dhiira galiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaba gabadii hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in xiligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa uu ku xasuusto Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaalintii uu kasoo qaatay la dagaalanka Al-shabaab, isagana uu si weyn uga war hayey duruufta ay ku shaqeynayeen howl wadeenada Radio Muqdisho oo ah geesiyaal u istaagay in bulshada Soomaaliyeed ay ku dhiira in meel looga soo wada jeesto dhagarta cadowga.

Munaasabada ayaa Shahaadooyin lagu gudoonsiiyey shaqsiyaad lagu abaal mariyey in iyada oo lagu jiro marxalad adag ay ku dhiiradeen in bulshada ay ku wacyi galiyaan in lala dagaalo Al-shabaab, qaarkoodna ciidanka xoogga furumaha dagaalka ay raashin iyo taageero kale ugu geyn jiren xiligii uu socday dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]