4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2017
Madaxweyne Waare : Waa in aan ka dhabeyno nidaamka federaalka ah ee aan qaadannay

 

Sabti, November, 25, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo faah faahin ka bixiyay go’aan ay wada jir u soo saareen madaxda dowlad gobolleedyada, ayaa sheegay in dowladda federaalka looga fadhiyo fulinta qodobadii lagu heshiiyay shirkii ugu danbeeyay ku dhaxmaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in qodobadii lagu heshiiyay shirkii dhawaan dhaxmaray dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada uu ka mid ahaa qodob dhigayay in laga waddatashto hindise sharciyeedyada xukuumaddu soo gudbiso ka hor inta aan la horgeyn baarlamaanka Soomaaliya.

‘’Shirkaa markii uu noo qabsoomay kaddib ilaa iyo hadda waxaan ognahay in dhowr hindse sharciyeed la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya oo ay soo gudbisay xukuumadda, waxaa wanaagsan in aan fulino wixii aan ku heshiinay, Annaga ujeedaddeenu waxaa ay tahay in marka hore hindise sharciyeedyada leysla eego qodobada ku jira, waa in fikradeena iyo dareenkeena lagu daro sharcia, waa waddatashi oo kaliya ee wax kale aan u jeedo malaha’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Waxaa uu sheegay in mar haddii la qaatay nidaamka federaalka loo baahan yahay in loogu dhaqmo si dhab ah ama sida uu hadalka u dhigay leyskaba daayo nidaamkan.

‘’In aan federaal qaadanno oo aan ku dhaqanno iyo in aan si ragganimo ah inta aan iskugu imaanno aan dhahno federaal nama anfaco wax ka dhaxeeya malaha, laakiin inta aan Federaal qaadno, hadana aan u dhaqanno sida dowladda dhexe oo kale, taas ma ahan wax soconayo”ayuu yiri Waare.

Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa guddoomiye ku-xigeen ka ah golle ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka dhisan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]