4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2017
Kenya oo sheegtay in ay ku soo fool leeyihiin deegaannadeeda Boqolaal ka tirsan xoogagga Al-shabaab

 

Sabti, November, 25, 2017 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku soo wajahan yihiin boqolaal ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ,kuwaa soo ka soo cararay duqeymaha dowladda Mareykanka ay ka waddo Koonfurta Soomaaliya.

Kenya waxa ay sheegtay in ay jirto cabsi weyn, Maadaama ay doonaayaan dagaalyahanada Al-Shabaab in ay kasoo baxaan Soomaaliya , islamarkaana ay gudaha u galaan Kenya.

Saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in ciidamo badan oo isugu jira boolis iyo Milatariga ay geeyeen xadka Soomaaliya si ay uga hortaggaan in ay soo gudbaan dagaalyahanadaasi.

Agaasimaha Hawlgalka Kenya ka wado Kaymaha Booni, JOSEPH KANYIRI ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen bixitaankooda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay.

Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay u diyaar garowday in ay is difaacdo dagaalamayaasha Al-shabaab

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay jirto Cabsi badan.

Dadka Kenyaanka ee ku sugan xadka Soomaaliya ayuu ugu baaqay haddii ay arkaan dagaalyahannada Al-Shabaab in ay kusoo wargeliyaan ciidamada Ammaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay duqeymaha ay la beegsanayso meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]