4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2017
Rag u qaabisanaa Al-shabaab Qarxinta goobaha Maqaayadaha oo maxkamad ka soo hor muuqday


Sabti, November, 25, 2017 (HOL) - Eedeysanayaal u qaabilsanaa Al-shabaab Qarxinta goobaha maqaaxiyadaha oo markii labaad kasoo hor muuqday Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana eedeysanayaasha ay kala yihiin:-

1) C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed.
2) Max’ed Cumar Akiile C/raxiin
3) Daa’uud Max’ed Cali Max’ud
4) C/laahi Ibraahin Geeseey

xafiiska xeer iaalinta maxkamadda CQS ayaa ka hor aqriyay eed lid ku ah eedeyanayaasha kala ah:-
"C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed ayaa si gaar ah loogu eedeeyay sahminta iyo dhigisto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha dadku ku badan yihiin oo ku yaalo magaalada muqdisho.

waxaa ka mid ahaa goobihii ay xeer ilaalinta CQS ku muujisay gal dacwadeedkiisa Qaraxii ka dhacay Maqaayad kasoo horjeedka Hotel Wehliye, Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017,halkaasoo ay ku geeriyoodeen tira lagu sheegay 10 ruux, sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amniga kasoo horjeedka wasaarada sportiga Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux.

Eedaysanaha 2aad Max’ed Cumar Akiile C/raxiin, ayaa isna  si gaar ah loogu eedayay kamid ahaanshiyaha  Kooxda  Al-shabaab,   iyadoo ciidamadu amnigu ay gacanta kugu soo dhigeen isagoo wada gaarigii ku qarxay Eenaayo degmada Xamar-weyne taariikhdu markay ahayd 15/05/2017.

Eedaysanaha 3aad Daa’uud Max’ed Cali Max’ud, ayaa isna si gaar ah waxaa loogu eedeeyay ka tirsanaan Kooxda Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Faafisa Afkaarta Al-shabaab, isagoo ka howlgalay Gobolada Sh/hoose iyo Banaadir, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in uu Taakulayn gaar ah siin jirtay Qeybta Qaraxyada oo uu lacago siin jiray Eedaysanayaasha 1aad iyo 2aad marka ay qarax fuliyaan.

Eedaysanaha 4aad C/laahi Ibraahin Geeseey, ayaa kala mid ahaa eedeysanayaasha ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxa uuna qaabilsaa soo dajinta iyo iibinta gaadiidka Qaraxyada lagu fuliyo, isagoo  Al-shabaab u soo dejiyay  gaarigii Saarufta ahaa ee ku qarxay kasoo horjeedka Wasaarada Amniga Qaranka, sidoo kale waxa uu  soo dejiyay  gaarigi ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, taariikhdu markay ahayd 03/07/2017." sidaas waxaa garsoorka u sheegay Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah xeer ilaaliyaasha Ciidmada Qalabka sida

Qaraanada difaacayay eedeysanayaasha ayaa codsaday in la soo gaba-gabeeyo kiiska hadii aysan jirin cadeymaha markaatiyaasha ahaa ee saakay la horkeenay garsoorka balse dood dheer kadib ayaa xafiiska xeer ilaalinta waxa uu ka codsaday garsoorka Maxkamadda CQS in loo ogolaado in ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo muujinayo dambiilayaasha eedooda, waxaana ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabk Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute amray xeer ilaainta in ay keenaan cadeymo dheeraad ah isagoo soo xiray dhageysigii markii 2-aad dacwadda eedeysanayaasha loo heysto qaraxyadii dadka badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen ee ka dhacay maqaaxiyada qaar ee ku yaalo magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]