4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2017
Ciidamo ka tirsan Qaramada Midoobey oo lagu weeraray dalka Mali

 

Sabti, November, 25, 2017 (HOL) - Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 4 ka mid ah ciidamadeeda nabad ilaalinta lagu dilay dhowr kalana lagu dhaawacay dalka Mali.

Labada weerar ayaa ahaa kuwa si kala gooni gooni ah loola beegsaday ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey.

Weerarka koowaad ayaa waxaa ku dhintay 3 askari oo ka socday dalka Niger 16 kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii gawaaridii ay la socdeen lagu weeraray meel u dhaw Menaka oo ku taalla galbeedka Mali.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay gobolka Mopti halkaasi oo uu hal askari ku dhintay miino dhulka lagu aasay iyo hoobiyayaal lagu weeraray ciidamada .

Ma cadda ilaa iyo imika in labadani weerar ay yihiin kuwa hal meel laga soo agaasimay

Bayaan ay soo saareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi.

Dalka Mali ayaa waxaa ka howlgala dhowr koox oo xagjir ah kuwaasi oo dhammaantood xiriir la leh ururka Al Qaacida.

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ayaa loo daad gureeyay dalka Mali sanaddii 2013.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]