4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2017
Al-shabaab ka baxsanaya duqeynta diyaaraha Mareykanka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobollada dhexe

 

Sabti, November, 25, 2017 (HOL) – Iyadoo Mareykanku joogteeyay weerarrada dhinaca cirka ah ee lagu beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ee gobollada Koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu waramayaa in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dhexe soo gaaraan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya duqeynta diyaaradaha Mareykanka.

Deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu arkayay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo fariisimo cusub ka sameysanaya deegaannada ay ka maamulaan bartamaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug ay hadda isku aruursanayaan dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ay hayaan Xogtaas, waxaana ay xuseen in ay ka hortagi doonaan isbaabulka ay Al-shabaab ka wadaan Degaanada Galmudug.

Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa iyaguna sheegay in ay ka warhayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo soo gaaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada, kuwaa oo ka yimid dhinaca gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Meellaha ugu darran ee diyaaradaha Mareykanku duqeynta la beegsanayaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo gobollada Jubbooyinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]