4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2017
Dowladda oo laga dalbaday dadajinta dhismaha rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

Sabti, November, 25, 2017 (HOL) –Ganacastada gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ayaa qoraal wadajir ah oo ay ku mideysan yihiin waxaa ay uga dalbadeen dowladda Soomaaliya dadajinta dhismaha Rungta Ganacsiga iyo Warshadaha oo horay ay u kala dirtay wasiirka wasaarrada ganacsiga Khadra Axmed Ducaale

Dhinaca kale ganacsatada ayaa ka dalbanaya wasaaradda Maaliyada in la joojiyo lacagaha canshurta ah ee laga qaado ganacsatada Soomaaliyeed ee dib loo siinayo sida ay hadalka u dhigeen ganacsatado kale.

Wasiirka wasaarada ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Khadra Axmed Ducaale ayaa bishii August ee sanadkan wareegtada ka soo baxday waxaa ay ku sheegtay in la kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed sidda ugu dhaqsiyaha bandanna loo sii dhiso doono Rugta Ganacsiga iyadoo laga tala-galiyo dhamaanba ganacsatada Soomaaliyeed.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay ganacstada ganacsatada :

 

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]