Ciidamada Cirka Masar oo weeraray maleeshiyaad loo maleynayo in ay ahaayeen kuwii dadka badan ku layay masjidka
Sabti, November, 25, 2017
(HOL) – Ciidamada Masar ayaa waxay sheegeen in ay weerar dhanka cirka ah ku
qaadeen Mintidiin la ruymaysan yahay in ay yihiin kuwii fuliyay weerar lagu
qaaday Misaajid ku yaalla Sinai .
Weerarka ayaa waxa ku dhintay 235 qof oo Misaajidkaasi ku cibaadaysanayay.
Ciidamadda Masar ayaa waxa ay sheegeen in ay duqaynta la
bartilmaameedsadeen gaarigii loo isticmaalay weerarka.
Madaxwayne Cabdul Fatax al-Sisi ayaa wacad ku maray in weerarkaasi looga
jawaabi doono gacan bir ah.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka
dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo
jiray salaadda Jimcaha.
Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad
cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.
Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas ku
sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.
BBC