4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2017
Shirkada Turkish Airline oo shaqaale u tababareysa wasaarada duulista hawadda Soomaaliya

 

Sabti, November, 25, 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay in uu ballanqaad ka helay Shirkadda diyaaradaha Turkish Airline  taasoo ka qeyb qaadan doonto tababaradda Shaqaalaha Wasaaradda.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shirkaddu ay ka caawin doonto dhanka qalabka, maadaama Wasaarado ay qorsheynayso soo wareejinta qalabka Hawadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda duulista Hawadda Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sidoo kale tilmaamay in uu la kulmay madaxweynaha Horumarinta Bankiga Islaamka.

Waxaa uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay dadaallo kala duwan oo lagu hormarinaayo Wasaaradda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]