4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 25, 2017
Madaxweyne Waare oo ka hadlay isbadal lagu sameynayo ciidamada ku sugan maamulka Hirshabeelle

 

Sabti, November, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay isbadal ku sameynayaan ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in iyaga oo kaashanaya Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya dhawaan is badal ku sameyn doonaan ciidamada Dowladda, islamarkaana u Guuri doonaan xaruntooddii degmada Buula-burte.

Waxa uu xusay in Maamulka Hirshabeelle ay ka go’an tahay siddii loo tayayn lahaa ciidamada Dowladda ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay doorka doorka ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howlgalka midowga Africa AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Jabuuti ay yihiin ciidamo wanaagsan oo wadda shaqeyn iyo kalsooni kala dhaxeyso shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay laleeyihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]