Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee dalka Masar
Sabti, November, 25, 2017 (HOL) --Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u
cambaareysay Weerarkii shalay lagu qaaday Masjid ku yaalla Waqooyiga dalka
Masar, halkaasi oo ay ku dhinteen dad badan.
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar Bam iyo
rasaas loo adeegsaday ku qaaday Masjid ku yaalla gobolka Waqooyiga
Sinai ee dalka Masar iyaga oo dilay ugu yaraan 230 ruux, sida laga soo xigtay Wakaaladda
wararka ee Dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaasi, waxaana uu sheegay in uu
ahaa mid Argagixiso.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda Masar
iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, wuxuuna dadka dhintay uu Alle uga
baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg u
bogsiiyo.
.
“Aniggoo ku hadlaya Magaceyga iyo Kan shacabka Soomaaliyeed waxaan xanuunka
la qeybsanayaa dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka
dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka Masar
ku yaalla, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee wayadii ugu danbeeyay soo mara dalka Masar in mar kaliya tiro
dad ah oo intaa la eg lagu dilo goob kaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]