4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2017
Madaxweyne Waare oo gaaray magaalada Beledweyne


Khamiis, November, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo wafdi la socday ayaa gallinkii danbe ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada xarunta maamulka gobolka ayuu sheegay madaxweyne Waare in maalinta Berri ah ku soo fool leeyihiin magaalada Beledweyne wafdi ka socda dowladda Jabuuti iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti iyo kan Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in maamulkiisu qorsheynayo dib u dhis lagu sameeyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo inta badan duulimaadyadu saameyn weyn ku yeeshaan xiliyada ay jiraan roobabka.

Magaalada ayaa waxaa ka socta qabanqaabo loogu jiro soo dhaweynta wafdiga ka socda dowlada Federaalka iyo Jabuuti ee maalinta Berri ah imanaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]