Shirkii gollaha wasiiradda oo lagu ansixyay xubin ka mid noqoneysa guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka
Khamiis,
November, 23, 2017 (HOL) - Shirkii caadiga
ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen
oo uu bilowgii shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane
Mahdi Maxamed Guled (Khadar), halka uu qeybtii danbe uu shir-guddoominayey
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyey
xubin ka mid ah Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka, loogana hadlay arrimaha
amniga, maaliyada, heshiiska Xaquuqda Caruurta, shirweynaha amniga iyo horumarka
dhaqaalaha iyo arrimo kale.
Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha ayaa shirka faah faahin ka siiyay xaalada guud ee amniga, howlgallada militariga iyo kuwa xasilinta
dalka. Sidoo kale waxuu golaha la wadaagay horumarka laga sameeyey hirgelinta
qorshaha amniga oo uu sheegay in ay gacanta ku hayaan baaritaano dhab ah oo dad
la tuhunsanyahay ah.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada
uga warbixiyey ahmiyada shirarka waaweyn oo Muqdisho lagu qaban doono 4ta iyo
5ta December 2017. ,Axmed Caynte Madaxa Hay’ada Xiriirka iyo Deeqaha ayaa
Golaha siiyey warbixin ku aadan shirka 5ta December ee ah Somali Partnership
Forum oo looga hadli doono horumarka dhaqaalaha, mashaariicda la qorsheynayo
iyo arrimaha gargaarka oo ay beesha caalamku ka soo qeybgalayaan. Axmed Caynte
ayaa sharaxay ahmiyada kulankan iyo sida looga doonayo Dawladda Federaalka inay
ku soo bandhigto waxqabadkeeda si caalamka uu u qiimeeyo una dardargeliyo
taageeradooda muhiimka ah. Sidoo kale Axmed Diirshe oo ah Xoghayaha Joogtada ee
Wasaarada Qorsheynta ayaa ka warbixiyey sida ay Wasaarada Qorsheynta u
diyaarisey mashaariicda dalka oo dhammaantood la waafajiyey baahiyaha dowlada
Federaalka iyo Qorshaha Horumarinta Dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa isna ka warbixiyey
shirka guddiga wasiirada ee arrimaha Siyaasada oo uu sheegay in kulankoodii u
danbeeyey la isla meel dhigay arrimo badan, waxuuna ka codsaday Omar Dhagey oo
ah La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha inuu warbixin dheeraad ah siiyo golaha
wasiirada. Omar ayaa sheegay in shaxdii iyo nidaamkii Federaaleynta dalka,
dib-u-eegista dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka la diyaariyey oo ay meel
fiican marayaan. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada
dejinta qorshaha siyaasada dalka ee shacabka loogu horseedayo qabsoomida
doorashooyin hal cod iyo hal shaqsi ah 2020ka.
Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Marwo
Deqa Yasin Haji Yusuf ayaa golaha siiyey warbixin dhameystiran oo ku aadan
wadatashi iyo daraasad ay ka soo sameynayeen Dowlad Goboleedyada iyo G/Benadir
oo carruurta Soomaaliyeed lagu xog-wareysanayey xaaladooda dhabta ah,
caqabadaha jira iyo fursadaha si kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah ee
carruurta iyo kor u qaadista xaquuqda carruurta. Wasiir Deeqa ayaa sheegtay in
heshiiskii Xaquuqda Carruurta ee Soomaaliya ay saxiixday 2015kii na-looga
baahnaa inaan warbixin dhameystiran gudbino labo sano gudahood, tanoo ah
sababta daraasada, wadatashiga iyo xog-ururinta loo sameeyey.
Wasiir ku xigeenka Dastuurka Hussein Abdi Elmi ayaa
golaha wasiirada u soo gudbiyey talo soo jeedin ku aadan buuxinta xubin ka mid
ah Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan oo horey u bannaanaatay. Wasiir ku
xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan in Marwo Mumina Sheikh Omar oo
horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan, lehna aqoon, waayo aragnimo,
karti iyo hufnaan si ay u buuxiso booska bannaan oo ay xubin uga noqoto Guddiga
Madaxa Bannaan ee Dastuurka. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib si
wadar-oggol ah u ansixiyey in Mumina Sheikh Omar ay xubin ka noqoto Guddiga Madaxa
bannaan ee Dastuurka. Wasiirka Dastuurka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa dadaal
dheer ku bixiyey sidii booska bannaanaaday ay u buuxin laheyd shaqsi dumar ah
oo leh waayo aragnimo, karti, hufnaan, aqoon iyo iyadoo horey dalka mas’uul uga
soo noqotay. Golaha Wasiiradda ayaa Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Dastuurka
ku ammaanay dadaalkooda iyo soo xulitaanka shaqsi ku habboon xilkan culus,
tanoo ah tallaabo horey loo qaaday.
Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey horumarka laga
sameeyey maamulka iyo maareynta Maaliyada oo mashruuca heshiiska geedi-socodka
ee Deyn Cafiska (SMP) lagu guuleystay in dhammaan shuruudihii caalamka intooda
badan la fuliyey, inta dhimana la rajeynayo in dhamaadka sanadka la
dhameystiro, tanoo albaabada u furi doonta Soomaaliya in deymaha laga cafiyo,
isla markaasna laga hirgeliyo mashaariic waaweyn sida wadooyinka, warshadaha,
kaabayaasha dhaqaalaha si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro shaqooyin
horseeda nabad waarta. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada
siyaasad ahaan iyo ajenda ahaan ee Dowlada Federaalka ay tahay in caalamka ay
ku kalsoonaadaan nidaamka maamulka iyo maareynta maaliyada si dalka looga
hirgeliyo mashaariic horumarineed.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku
tagey shalay Baydhabo ayaa ku soo biirey golaha wasiirada ugana warbixiyey
safarkiisa, oo uu sheegay in si heer sare ah loo soo dhoweeyey, isla markaasna
uu wadatashiyo ballaaran la soo sameeyey Madaxweynaha Koofur Galbeed, maamulka,
Madax dhaqameedka, dhalinyarada, haweenka, culumada iyo dhammaan qeybaha
bulshada oo dhammaantood diyaar u ahaa xoojinta nidaamka dowliga ah. Ra’iisul
Wasaraha ayaa sheegay in safarka uu baydhabo ku tagey ay qeyb ka tahay
dardargelinta xoojinta xiriirka Dawlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,
isagoo ballanqaaday in mashaariic horumarineed laga fulin doono deegaanada
Koofur-Galbeed oo ay ugu horeyso dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo
Baydhabo si shaqo abuur ay ugu noqoto dhalinyarada isla markaasna loo kordhiyo
ganacsida iyo koboca dhaqaalaha dalka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]