4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2017
Dahabshiil Group oo dib u habeyn ku sameysay qeybta Baxnaannada ee Isbitaalka Madiina


Khamiis, November, 23, 2017 (HOL) - Isbitaalka Madiina oo ka mid ah Isbitaallada ugu waaweyn ee bixiya adeegyada caafimaad ee kala duwan, gaar ahaan qaliinnada, ayeey shirkadda Dahabshiil Group ku caawisay in ay u dayactirto qeybta Baxnaannada isbitaalka [Recovery Ward]

Qeybtan dib u diyactirka lagu sameeyay ayaa waxaa xariga ka jaray guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo uga mahad celiyay shirkadda jawaabta ay ka bixisay dalabka maamulka Isbitaalka oo siweyn ugu baahnaa in dib u qeyb lagu sameeyo qeybta oo wax weyn ka tari karta adeegyada caafimaad ee uu bulshada siiyo Isbitaalku.

Maamulka shirkadda ayaa sidoo kale ballanqaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono bankiggii dhiiga oo baahi weyn loo qabo.

Qeybta dib u diyartirka lagu sameeyay ee xariga laga jaray ayeey sidoo kale Dahabshiil ku qalabeysay ilaa 35 sariirood oo ah kuwa la dhigo bukaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]