4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2017
Dagaal Gaalkacyo ku dhaxmaray maleeshiyaad kala taabacsan Puntland iyo Galmudug

 

Khamiis, November, 23, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maanta uu halkaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay Suuqa magaalada Gaalkacyo iyadoo uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac waxaana ka mid ahaa dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay dad rayid ah.

Inta la xaqiijinayo Afar ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkan halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay maleeshiyo ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland.

Waxaa soo baxaya baaqyo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaada ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo. Waxayna maamulada Galmudug iyo Puntland ay wadaan dadaal ay ku doonayaan inay ku qaboojiyaan xiisada ka dhalatay dagaalka maanta ka dhacay bartamaha magaalada Gaalkacyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]