Khamiis, November, 23, 2017 (HOL) - Dowladda
Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ragii
fududeeyay qaraxii dadka badan ku dhamaadeen ee 14-kii October ka dhacay
Isgooska Soobe.
Wasaaradda Amniga ayaa qoraal ka soo baxay ku sheegtay in wali socdo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxii
Soobe, waxa ayna Wasaarada Amniga hada shaacisay magacyada xubno gacanta ugu
jira iyo kuwa baadi goob loogu jiro.
Halkan ka Akhriso
Macluumaadka Wasaarada soo bandhigtay
Hey’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa weli sii wada baaritaannada ku aaddan
dadkii loo qabtay qaarkood weerarkii 14-kii October lagu xasuuqa
boqollaal dad masaakiin ah.
Shaqsiyaadka la soo bandhigay ayaa qaarkood laga heyn sawiro,iyadoo
Hay’adaha amaanka Dowladda ay sheegeen iney ku daba jiraan walina baaris ay
socoto.
(Sawir malahan)- Mukhtaar Gar-dhuub oo loo yaqaanno
Ceynaan ama Fanax waa madaxa Amniyaadka Al-shabaab waa ninkii dajiyey qorshaha
xasuuqii Soobe, waxa uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada
Hoose waa lagu daba jiraa.
(Sawir malahan)- Cabdiweli Cabdi-qani waa madaxa
Qaraxyada gobolka Benaadir ee Al-shabaab, waxa uu amarka ugu dambeeya ka qaataa
Mukhtaar Gar-dhuub waa lagu daba jiraa.
Xasan Aadan Isaaq waxaa loo diyaariyey markii hore in
gaariga NOAH-da ah uu isku qarxiyo, waana isku xirihii weerarkii Soobe, waxaa
gacanta ku haya hey’adaha amniga ka hor inta uusan qarxin gaariga NAOH oo uu
watay.
Ali Yusuf Wa’eys (Duale) waxa ay ciidanka Amniga ku qabteen
isaga oo weli uusan soo gaarin dhagar-qabihii gaariga NOAH-da waday ee la
qabtay.
gaarigii TM-ka ee SOOBE lagu qarxiyey waxaa waday naftii halige Xusseen
Aadan Maadeey (Cusmaan Xaaji) ayuu ku magac dheeraa, Hooyadiis waxaa la
yiraahdaa Faaduma Cismaan Cali deggan Mareerey.
“Gaariga TM-ka waxaa la gaday 18-08-2017-ka waxaa laga
gaday (Sawir malahan)- Cabdullaahi Ibraahim Xasan, wuxuu
ka iibiyey Xasan Aadan Cabdullaahi “Afrax” iyadoo lagu wareejiyey Nootaayo ku
yaalla gobolka Benaadir”.
ninka Milkaalaha ah Cabdullaahi Ibraahim Xasan weli hey’adaha amniga gacanta
kuma dhigin laakiin waxaa la shaacin doonnaa sawirradiisa, ciddiisa soo
sheegtana waxaa la siin doonaa abaalmarin ay ku faraxdo.
“Gaariga TM-ka ka hor inta uusan qarxin waxaa la saaray waddada Afgooye iyo
Muqdisho si aanan looga shakin, safarkiisii ugu horreeyey waxa uu billaabay
13/09/2017-ka waxa uu qaadi jiray Galleyda darawalkii ku shaqeyn jiray waxa uu
ahaa Xuseen Aadan Maadeey naftii “halige” ee SOOBE isku Qarxiyey.
Cabdiweli Axmed Diiriye ayaa dammiintay gaariga, TM-ka laakiin ciidamada
amniga ayaa diidey oo ku qanci waayey.
Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ah nin si weyn looga garanayey oo deegaanka
Ceelasha Biyaha ayaa ugu dambeyn gaariga TM-a dammiintay kaddib markii
ciidanku ay ku qanceynna sidaa ayaa lagu sii daayey gaarigii.
Canshuur bixiyihii gaariga TM-ka waxaa lagu magcaabaa Cabdullaahi
Cabdi Warsame oo hadda ku jira gacanta hey’adaha Amniga
Soomaaliya.
Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa wada dhammeystirka xogta ama macluumaadkii
ugu dambeeyey ee baaritaannada ay hadda ku howlan yihiin, si jawaabbo looga
bixiyo gummaadkii Muqdisho ka dhacay 14-kii October ee 2017-ka, xogta oo dhanna
dhowaan ayaad ka heli doontaan hey’adaha amniga Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]