4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2017
Madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi oo si kadis ah meel fogaaro ah kula kulmay Cabdiraxmaan Cirro


Khamiis,  November 23,  2017 (HOL)- Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii ugu horeysay si kadis ah kula kulmay goob fagaare ah gudoomiyaha  xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro.

Madaxweynaha la doortay iyo musharaxii doorashadda lagaga adkaaday ayaa isku arkay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyey marxuun Axmed Yaasiin Gabi-Xadi oo ka mid ahaa odaayashii magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hogaaminaya masuuliyiinta xisbigiisa ayaa dareen farxadeed ku qaabiley hogaamiyaha xisbiga WADDANI, waxaanay u muuqdeen kuwo iska masaxayey cadhadii ololaha iyo dhiiftii ay keentay natiijadii Doorashaddu.

Muuse Biixi iyo C/raxmaan Cirro ayaa ololihii ugu adkaa dhexmaray,islamarkaana ololo kulul is dhaafsan jiray wakhtigii ololaha lagu jiray, taas oo keentay inay aad u kala fogaadaan,isla markaana taageerayaashoodu aad u kala fogaadeen.

Madaxweynaha cusub waxa laga filanayaaa inuu isku keeno dadkii siyaasaddu kala qaybisay ee aadka u kala fogaaday, waxaana hor yaala caqabado badan oo muddo qaadanaysa in la xaliyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.