4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2017
Golaha wasiirada Jubbaland oo shirkoodii Khamiislaha uga hadlay arimaha ammaanka Jubaland


Khamiis, November, 23, 2017 (HOL) –Shirka maanta oo uu shir gudoominayay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa diiradda lagu saaray arimo kala duwan oo uu ka mid yahay ammaanka iyo weliba sidii deegaanada ay Shabaab gacanta ku hayaan ee Jubaland looga saari lahaa.

Ajendayaasha shirka looga hadlayay waxaa ka mid ahaa, arimaha ammaanka, dib u eegista guddiga qaxootiga, dhismaha hanta dhawraha guud iyo arimo kale.

Shirka markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane Cabdi Nuur Cali Aadan, isagoo sheegay in shirka looga hadlayay arimo badan.

Waxa uu xusay in warbixin laga dhageystay wasiiro uu ka mid yahay wasiirka amniga Jubaland oo ka warbixiyay xaaladda guud ee ammaanka Jubbaland.

Golaha wasiirada ayuu sheegay in ay ka doodeen arimahaasi, islamarkaana la isku raacay in si wadajir ah loogu istaago sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa deegaanada ka maqan gacanta maamulka ee Jubbaland.

Dhinaca kale, golaha ayaa ka dooday arimo ku saabsan ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka ee la filayo in dhawaan lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, ayadoo goluhu isku raaceen in loo diyaargaroobo cayaarahaasi, islamarkaana laga qeybqaato sidii ay ciyaaruhu ugu qabsoomi lahaayeen jawi wanaagsan, loona dhameystiri lahaa dhammaan waxyaalaha loo baahanyahay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.