4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2017
Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Ruuskha oo lagu xiray Faransiiska
Khamiis, November, 23, 2017 (HOL) –Suleymaan Karimov oo ka tirsan mudaneyaasha aqalka sare ee baarlamanka Ruushka ayaa lagu xiray dalka Faransiiska, ayadoo lagu furay baaritaan ku saabsan fal la xiriira musuqmaasuq oo lagu eedeeyay.

Mudanaha oo kamid ah raga caanka ka ah Ruushka islamarkaana hantida ku leh dalkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu kala xawilay lacago la sheegay in qaab wax isdaba marin ah loo kala wareejinayay.

Safiirka dowladda Ruushka u fadhiya France ayay dowladda Ruushku u yeertay, ayadoo lagala hadli doono arimo ku saabsan xildhibaanka lagu xiray magaalada Nice ee dalkaasi France.

Masuul ka tirsan aqalka Kremlink-a ayaa sheegay in ay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii ay u difaaci lahaayeen xuquuqda sharciyeed ee xildhibaanka, isagoo sheegay in mudanuhu leeyahay xasaanad diblumaasiyadeed, taasoo uu xusay in ay tahay in dowladaha shisheeye tixgeliyaan.

Telefishinka Rossiya 34 ayaa baahiyay in xidlhibaanka la eedeeyay uu beeniyay falka la xiriira musuqmaasuqa ee lagu heysto.

Qoyska uu ka dhashay xildhibaanka ee Karimov ayaa leh shirkadda ugu weyn Ruushka ee soo saarta dahabka ee Plyus, ayadoo lacagaha uu heysto xildhibaanka lagu qiyaaso $6.3 Bilyan oo dollar.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.