4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 23, 2017
Ra'iisal wasaare Kheyre oo sheegay in la furi doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo


Khamiis, November, 23, 2017 (HOL) –Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shaly gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe Al-shabaab looga xoreeynayo dalka, isagoo xusay in dhawaan howlgallo ballaaran ay ka bilaabi doonaan inta u dhexeeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Waxa uu ugu baaqay shacabka reer Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed in ay ka qeybqaataan howlgalladaa ka dhanka ah Al-shabaab ee bilaaban doona.

Xoogagga Al-shabaab ayaa maamula deegaano dhowr ah oo u dhexeeya gobollada SHabeelooyinka iyo Baay.

Raysul wasaare Khayre ayaa xusay in ay go’doonka ka saari doonaan gobollada Bay iyo Bakool, isagoo inta ku daray in sababaha ay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ugu shaqeyn la’dahay magaalada madaxdeedii ay qeyb tahay dhibaatooyin uu sheegay in Shabaab sabab u yihiin.

Raysul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mudooyinkii u danbeeyay booqasho ku tagay magaalada Baraawe ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, ayadoo socdaalka raysul wasaaruhu qeyb ka yahay abaabul ay wado dowladda Soomaaliya oo la doonayo in Shabaab lagula dagaalo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.