4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Galmudug oo Muqdisho lagu dilay

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Guulleed ayaa la sheegay in ay ku toogteen Agagaarka Taallada Sayidka Ilaalada xildhibaan kale oo ka tirsan baarlamaanka Soommaaliya.

Xildhibaanka dhintay ayaa la sheegay in uu marayay Nawaaxiga Bar Control oo ku taala Sayidka waaxaana gaariga marxuumka uu ku soo dhawaaday gaari kale oo uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, taasoo keentay in rasaas lagu furo.

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisay oo ku saabsan dilka xildhibaanka ka tirsanaa baarlamaanka Galmudug oo ka soo baxay laamaha Amniga marka laga soo tago goob joogayaasha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]