4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Ciidamada Amniga Somaliland oo xiray labo mas’uul oo ka tirsan Xisbiga WADDANI

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) – Ciidamada Amniga Somaliland ayaa xabsiga dhigay wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo dekeddaha Dr. Maxamed Yaasiin oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Tima-Cadde) oo ka tirsan golaha deegaanka ee Hargeysa.

Sida wararka ku halayno waxaa Maxamed Yaasiin lagu eedeeyey Buuggii codeynta ee laga xaday goob doorasho oo ku taalla magaaladda Berbera, kaddibna xisbigiisa WADDANI ku eedeeyey Komishanka doorashooyinka in lagu codaynayey Buugaag foojari ah oo aan ahayn kuwii loogu tallagalay doorashadda.

Hasse ahaatee markii xisbiga WADANI iyo Komishanku kulmay ayeey cadaatay in buuggaasi la raadinayey oo laga xaday Komishanka.

Illaa hadda xukuumadda iyo xisbiga WADDANi ka soo saarin war ku saabsan xadhiga masuuliyiintaasi, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ka hadli doonaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.