4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka oo lagu waddo in maalinta Berri ah uu ka dhaco shirka gollaha wasiiradda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xassan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed, waxaana halkaas kulamo kula leeyihiin Mas’uuliyiinta Koofur Galbeed.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa hor dhac u shirka gollaha wasiiradda ee la filayo in maalinta Berri uu ka dhaco magaalada Baydhabo, kaa oo baaqday Khamiistii todobaad hore.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca mid ka mid ah xarumaha dowlad gobolleedyada, iyadoo shirkii ugu horeeyay gollaha wasiiradda ku yeeshaan meel ka baxsan caasimada uu horay uga dhacay magaalada Kismaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]