4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Jowhar : Xildhibaan gurigiisa Bam lagu weeraray iyo khasaare ka dhashay weerarka

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xalay Bam kuwa gacanta laga tuuro ah lagu weeraray guriga xildhibaan ka tirsnaa maamulka oo lagu magacaabo Maxamed Bashiir Qaasin Daqare.

Wararku waxaa ay sheegayaa in Bamka lagu tuuray Guriga saqdii dhexe  ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah Ehelada mas’uulka.

Xildhibaanka ayaa ka maqnaa guriga xilligii weerarku dhacayay waxana uu howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawacmay oo saddex ka mid ah ay ahaayeen carruur ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud.

Saraakiisha Booliiska Jowhar ayaa sheegaya in ay baarayaan ciddii ka dambeysay weerarka Bam ee lagu qaaday guriga xildhibaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]