4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Al-shabaab : Ma jirto xero tababar oo duqeyn loo geystay gobolka Baay

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa iyo dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay in duqeyn lagu dilay 100 dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururka deegaan hoostaga degmada Diinsoor.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in duqeyn Mareykanka fuliyay lagu dilay 100 dagaalyahan.

“Waa waxba kama jiraan warka ka soo yeeray Mareykanka ee ah inay duqeyn la beegsadeen Mucaskaraadka Mujaahidiinta, waa war aan sal iyo raad toona laheyn”ayuu yiri Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahin ku hadasha Afka Ururka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo shalay oo Talaado aheyd ka fuliyeen meel 125 mile u jirta Muqdisho ku dileen illaa boqol askar oo ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa waayadii ugu danbeeyayba joogteeyay weerarrada duqeynta loo adeegsado ee ka dhanka ah fariisimaha Al-shabaab ay ku leeyihiin gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]