4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Shacabka Zimbabwe oo soo dhaweeyay is casilaadii uu ku dhawaaqay Robert Mugabe

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilkii iska casilay, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Jacob Mudenda.

Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay in uu iskii u gaaray go'aankas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.

Ku dhawaaqidan layaabka leh ayaa markii ay soo baxday waxaa jiray dabaaldegyo waaweyn oo ay dhigayeen shacabka oo ku farxay dhawaaqa ka soo yeeray madaxweynihii da’da ahaa ee Robert Mugabe.

Mugabe ayaa horay u diiday in uu xilka iska casilo, inkastoo ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore, mudahaaradyo baddan oo arrintaas lagu dalbanayana ay dhaceen.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in uu socdo qorshihii hogaamiye cusub lagu dooran lahaa Arbacada.

Robert Mugabe ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980kii, taasoo la yaab iyo Amkaag ku aheyd bulshada reer Zimbabwe oo hadda u muuqda kuwo waa cusub uu u baryay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]