4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Wasaaradda Amniga oo baarlamaanka horgeyn doonta dhowr hindse sharciyeed

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya ayaa lagu waddaa in la horgeeyo dhowr hindse Sharciyeed oo Amniga la xiriira.

Wasiirka wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa la filayaa in uu maanta horgeeyo xildhibaannada Hindise Sharciyeedyada la dagaalanka Argagixisada iyo xakameynta hubka wax dila kuwaas oo mari doona akhrintooda koowaad.

Labada Ajende oo ay soo diayarisay wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa waxaa horay u soo ansixiyay Xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Sharciga la dagaalanka Argagaxisada ayaa mudo dhowr Sano ah soo jiitamayay, waxana haddii ay Baarlamanka ansixiyaan uu fursad badan u siin doonaa dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Ururada Al-shabaab iyo Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]