4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Cabdiwali Gaas oo Addis Ababa kula kulmay ra'iisal wasaaraha Itoobiya

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay gelinkii danbe kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa ra’iisul wasaaraha dalka itoobiya Hailemariam Desaglen.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta Iskaashiga Ganacsi ee labada dhinac, Amaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira xuduudda Puntland iyo dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mr. Haile-Mariam Desaglen ayaa dhankiisa cadeeyey in ay diyaar u yihiin xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo itoobiya gaar ahaan Puntland, waxaa uu xusay ra’iisal wasaare Hailemariam in ay Puntland ay ka gacan siinayaan Puntland soo afjaridda argagixisada Al-shabaab Iyo Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]