4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Dowladda oo sheegtay in 100 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay degmda Diinsoor

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) – Dowladda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar qorsheysnaa oo ciidamada Mareykankan ah oo kaashanaya kuwa  dowladda Soomaaliya ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Yariisoow ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la  beegsadeen  xero tababar oo ku taalla deegaan lagu magacaabo Buur Ceel cade oo hoos taga degmadda Diinsoor  ee gobolka Baay.

Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi  lagu dilay sidda uu sheegay Boqol dagaalyahanno iyo saraakiil isugu jiray oo ka tirsanaa Al-shabaab.

 “Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka Al-shabbab, duqeyn laga fuliyay xero tababar  oo ku taala deegaanka Buur Ceel Cade ee degmada Diinsoor ayaa looga dilay 90 – 100” ayuu yiri wasiir Yariisow.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen Gobolka Baay barkhanimadii shalay in lagu dilay 100 dagaalame oo ka tirsan Shabaab.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin duqeynta Mareykanka ay sheegeen in ay ka fuliyeen gobolka Baay.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa sii xoogeysanayay weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay fulinayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]