4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2017
Madaxweyne Farmaajo : Waxaan dardargalin doonnaa wadda hadalladii aan la laheyn Somaliland

 

Arbaco, November, 22, 2017 (HOL) -- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha ayaa shacabka deegaannada Somaliland, xisbiyada, hay’addaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorada u dhcday, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan sida uu hadalka u dhigay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen, waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, Olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.”

“Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa in aan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey dowlada federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Alle u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]