4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 21, 2017
Kheyre : Baarlamaanka ayaan horgeyn doonnaa guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa

 

Talaado, November, 21, 2017 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormoor shaqo oo uu ku tagey xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ka sheegay in Xukuumaddu ay xooga saareyso la-dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama barnaamijka dawladda ay ugu muhiimsan tahay isla-xisaabtanku.

Ra’iisul wasaaraha oo la hadlayay Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo hawl-wadeenadiisa ayaa sheegay in dawladdu ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu la dagaalamayo masuqa, dhawaana baarlamaanka la horgeynayo guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, loona baahan yahay in cid waliba ay arrintaa masuuliyad gaar ah iska saarto.

“Waxaa dawladdu ku talaabsatey horumar dhinacyada la-dagaalanka musuqmaasuqa ah, si loo hiigsado horumar waa inaan meel cad iska taagnaa cid walba oo sameynaysa musuqa ama dhiiragelineysa, dhawaan waxaa baarlamaanka horgeyn doonnaa guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, horumarinta iyo tayeynta hey’adaha ka-hortagga musuqa waa naga go’an tahay.”Ayuu yiri Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu danbeyntii tilmaamay in tallaabooyin wax-ku-ool ah oo loo qaado dhinaca la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka, ay taasi fure u noqoneyso horumar bulsho oo taabbagala.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]