4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 21, 2017
Xisbiga WADDANI oo qaadacay doorashaddii dhawaan ka dhacday Somaliland

 

Talaado, November 21, 2017 (HOL)-Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sheegay inuu qaadacay natiijadda doorashadda ee aan wali la shaacin, waxaanu ku sababeeyey in ku shubasho ka dhacday.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in khaladaad badan ka dhacay doorashaddii,isla markaana dad aan da’dii qaangaadhnimadda gaadhin ay codeeyeen, hase ahaatee waxaa uu taageerayaashiisa ka codsaday in ay is dajiyaan oo aanay nabadgalyo daro samayn.

“Doorashada madaxtooyadda ee noo qabsoontay 13 November waxaa ku gadooman madmadow iyo ku subasho baahsan,waxaana tusaale usoo qaadan karnaa dhacdooyinkan, maalintii doorashdda waxay goobjoogayaasha xisbiga WADDANI soo gudbiyeen 1200 oo dhacdo oo iskugu jirtay dhib loo gaystay iyo hadidaad iyo khaladaad ku saabsan habsami u socodka doorashada, waxa kale oo jirta in dad geeriyooday ay codeeyeen.”ayu yidhi Musharax Cirro .

Sidoo kale, waxa uu sheegay in natiijadda la soo saari doono aanu aqbali doonin, isla markaana xaqoodda u mari doonaan dariiq salmi ah, waxaanu yiri “Waxaan shacabka reer Somaliland iyo taageerasha xisbiga WADDANI u xaqiijinaynaa  in aanan aqbali doonin xaqdaro iyo wax aan sharciga baalmarsan, waxaana xaqiijinta xuquuqdooda u heli doono dariiq salmi ah oo nabadeed.”

Sidoo kale, waxa uu cambaareeyey masuuliyiin iyo taageerayaal xisbiga WADDANI oo la xidh xidhay, waxaanu xukuumadda ka dalbaday in dadkaasi la siidaayo.

waxa uu ciidanka amniga ku eedeeyey inay shacab u adeegsadeen xabad nool, taas oo uu ku tilmaamay mid khalad ah oo dad aan waxba galabsan rasaasi ku dhacday, waxaanu ciidanka uga digay in aan dad aan hubaysnaan rasaas nool u adeegsadaan.

Dhinaca kale, waxa saacadaha soo socda lagu dhowaaqi doona natiijaddii doorashadda oo muddo sideed casho ah la sugayey wakhtiga lagu dhowaaqayey, waxaana gabi ahaanba dhamaaday dib u tirintii sanaaduuqdii xisbiga WADDANI codsaday in la dib loo baadho, haseyeeshee sida wararka ka helayno waxa xisbiga WADDANI ku gacansaydhay inay saxeexaan natiijada la shaacin doono.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.