Wasiir Beyle oo baarlamaanka horgeeyay faah faahinta miisaaniyada 2018ka iyo deeqaha ay dowladdu fileyso
Isniin, November, 20, 2017 (HOL) - Wasiirka
Wasaaradda maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta
hortagay baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbiyay xildhibaannada faah faahin ku
saabsan misaaniyada sanadkan 2018ka iyo deeqa ay dowladdu heyshay iyo kuwa la
filayo intaba.
Miisaaniyadda 2017-ka waxaa ay aheyd $245.9 Milyan, laakiin waxaa
muuqata in miisaaniyada sanadkan wax xoggaa isbadal ah lagu sameeyay.
Wadarta Miisaaniyadda La Qoon-deeyay:
Dowladda ayaa si ay u meelmariso hawlaha u qorsheysan sanad miisaaniyadeedka
ka bilaabanaya 1-da Janaayo 2018 kuna dhamaada 31, December 2018 ayaa sida hoos
ku qoran loo qoondeeyay dakhliga khasanadda iyo lacagaha kale ee dowladda, sida
lagu qeexay jadwal-kan.
Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan
rasumaalka wa sidan:
(A) Kharash-ka joogtada ah:
US$ 260,171,727
(B) Kharashka Raasumaalka: US$
14,458,464
Wadarta
Guud:
US$ 274,630,191
Haddaba Haddii ay timaado hoos u dhac kharashaadka ah, waxaa mudnaanta la
siin-doonaa:
Raashiinka iyo Gunnooyinka ciidamada qalabka sida
Khidmadda maaliyaddu ku shaqeyso(Banka iyo Gobolka)
Mushaarooyinka/Gunooyinka shaqaalaha rayidka ah
Gunnada Xildhibaannada iyo G/Wasiirada
Mushaaraadka iyo Gunnooyinka gashibaxa ku jira ee ka soo wareegay sanadkii
hore
Adeegga iyo Agabka xafiisyada dowladda qaranka iyo gobollada
Gashibaxa alaabta iyo qaamaha la hormarsaday
Qeybta Laga Qaadayo Canshuurta shaqaalaha dowladda
0-200 dadka dakhligooda yahay waa 0 ama waxba lagama rabo.
201-800: waxaa laga rabaa: 6%
801-1,500 waxaa laga qaadayaa: 12%
1501 iyo wixii ka sareeyay: 18%
Canshuuraha kale:
Noocyada Tobacco: $6 iyo midda magaadka $4, Sigaarka royal iyo Sports: $22,
sigaar Benson $24.
Qaadka: 2.5 per kg
Bansiin iyo Gaas: $56.25, Naafto MT $50.00, Fuusto Bansiin: $12.50 iyo
Fuusto Naafto, Gaas: $11.25 Canshuuraha soo degayaasha iyo dhoofayaasha:
$30
Canshuurta Hotellada Muqdisho: 5% adeegga ay bixiyaan. Canshuurta iibka
isgaarsiinta, Korontada iyo Biyaha: dhammaan shirkadaha isgaarsiinta,
korontada iyo biyaha waxaa waajib ah in ay bixiyaan canshuurta iibka sida
tacrifada ku cad jaantuska hoose
Isgaarsiinta: 15%, Korontada: 5%, Biyaha: 5% iyo Internetka iyo TVyada: 5%
Deeqaha ay Dowladda fileyso:
Dowladda Turkiga oo sanadka laga helay 28,,105,332 waxaa laga filayaa
sanadka 2018-da illaa 20,000,000
Dalka Sacuudiga oo sanadkan waxba aan bixin sida miisaaniyadda ku qoran
waxaa laga filayaa sanadka 2018-dda illaa 32,360,000,
Dalka Qatar waxaa sanadkan ay bixiyeen 10,000,000 isla 10-kaas Milyan
ayaa laga filayaa sanadka soo socda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]