4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2017
Kacdoon ka dhashay qiimaha Korantada Laascaanood iyo Taliye cusub oo la magacaabay

 

Isniin, November, 20, 2017 (HOL) - Heshiis la sheegay in ay galeen shirkada Korantada Laascaanood ayaa kiciyey bulshada kadib markii qiima kicin aad u saraysa ay warbaahinta u qaybiyeen.

Qiimaha halka KW ayaa bilihii u danbeeyey ahaa 0.3 ayaa laba maalmood oo isku xiga ay labada shirkadood ee GURMAD iyo LESCO ay ka dhigeen 0.8 1KW taas oo layaab xoog leh ku ridey bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood.

"Waan ku ogayn dhiigmiiradka LESCO balse waxaan la yaabanahay ninkii shalay lahaa gurmad baan idiin ahay ayaa gawracaya maatadii u soo hilowdey ee ku faraxday "saasna waxaa yiri Abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo ka hadlay meel ay dadbadan isugu soo bexeen.

Madaxda Shirkadda GURMAD Mulkiileheeda Maxamed Jabuutaawi ayaa HOL u sheegay in aanay jirin wax heshiis ah oo shirkaduhu galeen balse ay iyagu qiimahan goosteen in ay isku bixin karto.

Shirkada LESCO oo aan hawlwadeenadeeda weydiiyey in ay ka jawaabaan waxaa ay qiimaha sidan kor ugu qaadeen, waxa ay ku gaabsadeen in aanay ka jawaabi karin, shir jaraaid in qabanayaana waa ku  gaabsadeen.

" Waxaan soo  iibsadey dhamaan qalabkii wax lagu karinjirey oo koranto  ah waxaanna filaayey in xitaa degaanku badbaadayo balse hada  halkeedii bay ku  noqotqay, waxaana  leeyahay halay celiyo lacagtaydii ama waxa qasab noqonaysa in aan hudhalkayga xidhi" sidaa waxaa yiri Jaama Axmed Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee walaac weyn ayaa soo food saartay dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood oo mudo sanad ku dhow ku naaloonaysey korantada ugu jaban wadanka, waxasse la eegayaa maamulka jawaabta ay ka bixiyaan.

Dhinaca kale waxaa xilkii taliyaha qaybta lagu wareejiyey G/sare C/risaaq Maxamed Faarax, kaddib markii la bedeley taliyihii hire iyadoo lagu jiro xili kala guur ah

Seynab A. Warsame

Laascaanood, Sool