4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2017
Gudoomiyaha xisbiga UCID oo ku baaqay in la xiro dadkii Buugga Komishanka laga xaday soo bandhigay

 

Isniin,  November 20,  2017 (HOL)- Gudoomiyaha mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorashada iyo rabshadihii ka dhacay magaalooyinka qaarkood ee Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dadkii warbaahinta ku soo bandhigay Buuga Codeynta ee Komishanka doorashooyinka ee sheegay in Buug Foojari lagu codaynayey yahay ee sababay rabshadaha dhimashadda keentay in la xidho oo sharciga la hor keeno.

Mar uu ka hadlayey qurbo joogto aan ogolayn in laga guulaysto ee rabshadaha dadka u horseeddaya waxa uu yidhi “Suurogali mayso raga qurbo jooga ah ee doonaya inay wadanka qas galiyaan inay caruurtoodii qurbaha soo dhigteen hadhowna iska dhoofaan, waxaan leeyahay shacabka Somaliland ee soo dadaalay ee maanta ka soo kabtay dagaalkii sokeeye dadka soo celinaya wixii hore waxaan u shegay in aanay Somaliland dagaal ka dhaceen”.

“ rag baa warbaahinta soo istaagay oo yidhi waxa lagu codeeyey buugaag Foojari ah, waxay ahayd markay warbaahinta ka baxeen in la soo qabto haday yihiin Foojarina la keeno cidii keentay foojariga, hadii komishanka laga qaatayna la ogaado cidii bixisay, arrintaasi warbaahinta laga sheegayna dad baa ku dhintay oo mudaharaadyo ka sameeyey ilaa maanta dibaday joogaan, waxaanu ahaa buug ka soo hadhay doorashaddii oo laga soo qaaday Berbera, walibana laga soo qaaday deegaanka taageera Musharax Cirro, dadkii beenta sheegay ee dhimashada sababay in la xidho ayey ahayd”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu intaas ku daray “ 240 sanduuq oo hore loo tiriyey ayey WADDANI yiraahdeen ha lanoogu celiyo , iyadoo lagala tashan ayuu Komishanku ogolaaday oo dib loogu tiriyey, illaa hadda sanduuq khalad laga helay ma jiro, laba cisho ayey dib u dhacday in natiijadii la soo saaro, waxa la arkayaa in halkaasi uu jeleec weyn ka muujiyeen Komishanka doorashooyinku, waxay ahayd markii Buuga laga xaday in kii soo qaaday iyo kii usoo dhiibay soo qabtaan, wadan aanu sharci shaqaynayn oo xeer jajab lagu soconayaa wadan noqon maayo, waxaanu leenahay natiijadii way soo dhowdahay kursiga qof baa fadhiisan laha ee dadka rabshada ha laga daayo, dadkan aanu 21 cisho ololaha ku wadnay rabshad kale uma baahna”

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda laguma dhowaaqin natiijaddii doorashadda, iyadoo ay dhamaadeen dhamaan sanaaduuqdii dib loo tirinayey ee xisbiga WADDANI codsaday, waxaana hadda la sugayaa uun in lagu dhowaaqo natiijadda hor dhaca ah ee doorashadda, ka dibna loo gudbin doono maxkamadda sare.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.